Suuqa crypto waa mid is bed bedelo daqiiqad kasta, waana suuq ay hal abuuriyaashiisa aad u badan yihiin oo maalin walibo waxaa soo baxo project cusub Coin ama Token, sidoo kale suuqaan waa curdan aqoon buuxda looma laha waxaana ku soo kordha waxyaabo cusub aan horey u jirin technologyada uu ku shaqeeyo ee Block chain ma jirto cid aqoon buuxda u leh ee loo daba fadhiisto ee barashadeeda waa mid balaaran oo qof walibo qaybto uu ka yaqaano ayuu soo gudbiyaa, hadii aad tahey pro crypto waa inaad noqoto qof update ah oo la socdo news-ka suuqaan bartana aqoontiisa maalin walibo waxa soo kordha.
Bulshada Somaliyeed ee ku jiro suuqaan crypto kana shaqaysto ma helaan xogo ku filan oo ka baahi tirto baahida ay u qabeen suuqaan? Balse waxaa loo hayaa bishaaro meel ay ka heli doonaan maalin walibo aqoon, news, market update, qiimaha lacagaha iyo wax walibo crypto ku saabsan iyo technologyada ay ku dhisan tahey blockchain.
Qormadaan waxaa kugu soo gudbin doonaa 10-ka website ay muhiimka tahey in aad la socoto daqiiq kasto, ishana ku haayso, notifications-kooda uu kuu furnaado waxaadna ka heli doontaa macluumaad kasta oo suuqaan la xariiro iyo wax walibo oo ku soo kordha waxaadna noqon doontaa qofka ugu horeeyo ee helo xog walibo suuqaan ku saabsan loona daba fadhiisto 10-kaan website waxay iskugu jiraan kuwa aad ka haleyso news, kuwa aad kala soconeyso poortfolio-haaga, kuwa aad ka baraneyso aqoonta suuqaan iyo guud ahaan technologyada uu ku dhisan yahey ee Blockchain.
2. Coin market Cap, waa platform caalami ah lagu falanqeeyo xogaha suuqa waana website ka laga helo xogaha lacagaha crypto oo idil sida Market cap ‘qiimaha lacag walibo iyo guud ahaan suuqa’ Volume ‘xaddiga lacageed ee dhex maro coin walibo 24 saac u dambaysay’ Supply and demand, mashruucyada cusub ee suuqa la keeno ICO, Sariflayaasha suuqa sida Centralized and Decentralized Exchanges, in aad la socoto websitedaqiiq kasto aad bay muhiim kugu tahay. Linkiga website-ka waxaad ka haleysaa halkaan https://coinmarketcap.com
3. Coin Gecko, waa website la mid ah CoinMarketCap, balse waxuu kaga duwan yahey news-ka waxaad ka haleysaa waxyaabihii ugu dambeyay crypto ku soo kordho waxuuna diirada saaraa platformkaan xogaha ka soo baxo Dex-yada, Token Standards iyo community metrics, hadii aad tahey investor aad ayuu muhiim ku yahey waxaad ka track garayn kartaa Sentiment analysis mashruucyada ay maalgashiyadaasha xiisaynayaan Demand koodana uu badan yahey faa’idada badan laga sameeyo hadii aad ka qaraabato suuqyada madax banaan Dex sida UniSwap iyo PanckSwap waxaad website kaan ka haleysaa xoagaha coins ugu dambeeye ee la geeyo suuqyada crypto. Linkiga websiteka halkaan ayaad ka haleysaa
4. Coin telegraph, waa website ka ugu wayn suuqa crypto laga helo news-yada saamaynta ku yeesho suuqaan sida kuwa sharciyada, siyaasadaha, Bitcoin whale movements, iyo xogaha projectyada cusub inta suuqa la kaynin, waxuuna soo gudbiyaa websitekaan warar saxan ee la isku hubo waa kana linkigiisa https://cointelegraph.com/
5. Trading view, waa platform caalami ah ay adeegsadaan dhamaan dadka ku jiro suuqyada financialka sida Stock, forex iyo crypto waxaana loo adeegsadaa in lagu sameeyo technical analyse ‘taxliilinta farsamo ee suuqa’ sida charts, indicators, candlestick, market structure, price action wxaana la adeegsadaa tools waa websiteka ugu wayn lagu qiimayo suuqyada financialka gaar ahaan cryptocurrency traderska ku jiro suuqa crypto website kaan aad ayuu muhiim ugu yahey inay adeegsadaan si ay ugu qiimayaan coins ka ka hor inta aysan ka ganacsan linkiga websiteka waxaad ka haleysaa halkaan https://tradingview.com/
6. CryptoQuant is a website that helps with on-chain analysis of the market, such as sida whale movement, Exchange inflow and outflow, miner data, hot projects, Bitcoin quarter, market sentiment indicators iwm waxuuna muhiim who are investing in the market, in the big ahaan coins that are worth a lot, like sida Bitcoin, Ether, Sol, XRP, Litecoin, Ada, Sui, Doge Coin. Here is link:https://cryptoquant.com/
7. CoinDesk, a website aad ka heli karto xogahii ugu dambeeye crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Token, ICO, IEO, IDO metaverse, Web 3.0, developing projects, waxuu bixiyaa platformkaan sidoo kale talo maalgashi iyo hagaajinta portfolioha. Waa kanaa linkigiisa: https://www.coindesk.com/
8. Coin stats, waa platform aad kala socon kartid maalgashigaaga waxaad hal meel isugu gaynaysaa dhamaan asset ka kuu maalgashan waxaadna ka track garayneysaa mid walibo faa’idada iyo qasaaraha uu kuu sameeyo waxaad ku xeranaysaa wallet-kaaga sida metamsk, Trust wallet, ledger ama exchange-ka aad adeegsato sida Binance ama Coinbase waxuu kuu soo dirayaa Alert si uu warbixin kaaga siiyo portfolihaaga hadii aad tahey investor aad ayuu muhiim kugu yahey long time platformkaan inaad adeegsato, hadii aad tahey trader waad adeegsan kartaa waxuuna leeyahey app talephon computer waa lagu isticmaali karaa adigoo browserka aad adeegsato kala soo dagaysi waa kanaa linki website-ka https://coinstats.app/
9. Bitcoin magazine, waa website caalami ah lagala socdo xogihii u dambeeye suuqa crypto gaar ahaan coinka Bitcoin, waxaad ka haleysaa wararkii ugu dambeyay Coinka Bitcoin dadka maalgashiyada ugu jiro, whales kuwa haaysto bitcointa ugu badan, dowladaha maalgashtay, ETF-yada iyo waxyaabaha ku soo kordha Block chain technology waxuuna diirada saaraa website kaan xogaha ka soo baxo BTC link- giisa halkaan ayaad ka haleysaa https://www.bitcoinmagazine.com/
10. Block chain.com, waa platform caalami ah bixiyo adeegyo kala duwan sida Wallet, Exchange, Block Explorer waxaad ka haleysaa xogaha transactionadii ugu dambeyaya ee Block chainta lagu kaydiyo, address tracking, blocks yada cusb ee minersku sameyaan, feega laga qaado dadka wax is dhaafsanaayo iyo hash rate, waxuu sidoo kale leeyahey platformkaan qayb aad kala socon karto Charts iyo Market data xaalada suuqa iyo qiimaha lacagaha crypto waxaana la sameyay 2011, waxyna hadda xaruuntiisa ku taalaa Luxembourg, waxuuna ahaa madasha ugu wayn ee laga soo doonto crypto iyo xogaheeda oo idil waxaana wali adeegsado dad kaban 50 million waxuuna leeyahey App linkiga website koodana halkaan ayaad ka haleysaa https://www.blockchain.com/
0 Comments