Waa Maxay Cryptocurrency?
Si fudud cryptocurrency waa lacago dijitaal ah aan gacan lagu taaban karin kaliya ka muuqdo shaashada kombuter ama talephonka aysan jirin cid dhexe oo maamusho “Decentralized” laguna keediyo xogtooda Block chain-ta la adeegsado hanaanka cryptography si loo qariyo xogta lacagtaas marka la is dhaafsanaayo, waxayna ka koobantahey labo eray oo kala ah ‘Crypto’ oo micnaheeda ah xog maldahan ama la qariyay ‘currency’ oo ah wax ay labo qof iyo ka badan is dhaafsan karaan.
Lacagta ugu horeysay ee Crypto waxay aheed Bitcoin oo soo baxday 2008 ilaa 2009 markaas oo caalamka ka jirtay dhaqaalo bur bur aad u xoogan, sababaha keenay lacagahaan crypto waxay aheed in ay dadka u madax banaanaadaan hantidooda iyo ka hortaga sicir bararka lacagaha wadamada ku dhaco “Fiat currencies”.
Waxaa jirto manta in ka badan 30 kun oo crypto currency, maadaama ay yhiin lacago aan lahayn cid dhexe oo maamusho oo qof walibo caalamkaan ku nool uu accsess u leeyahey in uu isticmaalo uuna sameeyo crypto u gaar ah asigoo ku dhisaayo Blockchain horey u jirey “Token” ama Blockchain cusub “Coin”.
Sidee u shaqeyaan Lacagahaan Crypto -currency?
Waa ‘Peer to Peer payment system’ qof walibo oo caalamkaan ku nool waxa uu awood u leeyahey inuu diro karo, loona soo diro karo, kaydsado, qaybna ka noqdo shabakada Block chain ee ku dhisan lacagaha cryptocurrency isagoo aan u baahnayn cid saddaxaad.
Tusaale: Gelle ayaa u baahday in uu iibsado ama diro, loona soo diro Bitcoin waxa uu booqanayaa website BTC https://bitcoin.org waxuu ku xeranayaa wallet kiisa ka dib waxuu dhahayaa Buy si uu qof ugu diro waxa uu taabanyaa send marka uu doonaayo in loo soo dirana waxuu taabanayaa receive asigoo u diraayo qofka kale ee u soo diraayo addres kiisa.
Marka aad rabtid inaad lacagahaan crypto isticmaasho waxaad u adeegsan kartaa labo qaab tan 1aad waxaa iska diwaan galinaysaa suuqyada dhexe ay leeyihiin shaqsiyaad ama companyo sharciyana u sameyaan dowladaha balse u jeedka lacagaha crypto waa in laga madax banaanaado cid dhexe waana mida 2aad waxaad isticmaaleysaa suuqada aan laheyn cid dhexe aana kaaga baahneyn xogtaada shaqsiyeed si aad crypto u iibsatid ama lagaa iibiyo waxayna u baahantahey aqoon iyo farsamo badan.
Maxay ku kala duwan yihiin Cryptocurency iyo Fiat Curency?
Fiat currency waa lacagha wadamada sida lacagta marykanka dollar tan Somalia shilling somali, Cryptocurency sida aan horey u soo sheegnay waa lacago dijitaal ah aan lahayn cid dhexe oo maamusho waxaynu ku soo koobi karnaa ilaa 5 qodob waxay ku kala duwan yihiin
- Cryptocurrency waa lacag dijitaal taasoo aan lahayn qaab physical form ah halka Fiat currency ay kaleedahey qaab digital iyo physical form labaduba.
- Lacagaha cryptocurrency waxaa lagu soo saaraa kombuterada iyadoo la adeegsanaayo nidaamyo kala duwan sida Pow– prof of work iyo Pos- Prof of Stake halka lacagaha caadiga ah ay soo issue gareeyaan Dowladaha iska leh iyo companyada dhexe. “Central banks’.
- Lacagahaan digitaalka ay crypto waa kuwa aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘Decentralised’ oo qof walibo waxuu awood u leeyahey inuu adeegsado uuna samaysto lacag crypto u gaar ahhalka lacagaha fiat currency ay ka yihiin kuwa la maamulo ‘Centralised’.
- Ma lahan xuduud lacagaha crypto qof walibo adduunka ku nool oo haysto internet waxuu accsess u leeyahey in uu isticmaalo halka fiat currency ay ku koobanyihiin in lagu dhex adeegsado wadamada iska leh.
- Limited Supply Lacagaha Crypto waxay leeyihiin “Fixed Supply” qiimo go’an tusaale BTC waxay ku egtahey 21 million bis halka lacaagah Fiat-ka ay yihiin kuwa aan lahayn qiimo go’an oo waqti kasto ay soo daabacaan dowladaha iyo bangiyada inta ay doonaan waxana loo yaqaanaa nidaamkaas “inflationary”.
Noocyada ay u kala Baxdo Lacagaha Crypto?
Cryptocurency maadaama ay tahay lacag aan lahayn cid dhexe oo maamusho qof walibana accsess u leeyahy in uu isticmaalo samayansan karo lacag crypto isagoo ku dhisaayo Blockchainta, waxaana jiro noocyo badan oo crypto ah inta ugu muhiimsan waa kuwaan.
- Coin, Waa lacag crypto leh Block chain iyada u gaar ah laguna dul samayn karo lacag kale oo crypto waxaana ugu caansan Bitcoin, ethrium, Solana, Xrp, Ada.
- Token, Waa lacag crypto aan lahayn block chain iyada u gaar ah balse ku dul dhisan mid kale sida USDT, USDC Floki, Shipa inu
- Fork, Waa nooc ka mid ah crypto waa in coin blockchain lahaa lagu sameeyo Copy tusaale Bitcoin Cash iyo Ethruim Classic oo laga min guuriye Bitcoin iyo Ether waxaana dhacda mararka qaar in coin kaas copy-ga lagu sameeye uu suuqa ka baxo Copy-giisa soo haro yeeshana qiimo qaali ah.
- Altcoin, Waa waxii lacag crypto oo ka soo hara Bitcoin waxayna iskugu jiri karaan coin iyo Token waxaana ugu waa wayn Ether, Solana, Xrp, USDT, USDC, BNB.
- Stable Coin, Waa lacag Crypto ku xadidan qiimo goa’an $1 waxaana loo isticmaalaa in la isku dhaafsado lacagaha crypto iyo kuwa fiat-ka.
- Memo Coin, Waa lacag crypto aan lahayn wax “Utility” ah sababo lo adeegsado waxaana lagu soo saaraa qaab kaftan ahaan ah mana ku sii jiraan suuqa waxaana ugu caansan Doge coin iyo Trump coin.
Sida ay iskugu raac raacaan lacagaha crypto “currency pairs”
Currency pairs waa in lagu lamaaniyo lacagta la doonaayo in la iibsado mida la doonaayo in la iska iibiyo tusaale BTC/USDT.
Waxaana la kala yiraahdaa base iyo Quote;
Base currency waa lacagta aad doonayso in aad iibsato BTC
Quote currency waa mida aad doonayso in aad iska iibiso USDT.
0 Comments